|
March, 24, 2006 Shaqada ceelka oo socotay
mudo ka badan hal sano ayaa waxa la gaadhay natiijadii
ahayd in biyihii banaanka loo soo butaaciyo 12/June/2005 taasina waxay
noqotay
farxad dad badani u riyaaqeen Ilahayna ugu xamdi naqeen Ceelka oo qodan
370m oo
hoose ayaa waxaa dhamaatay shaqadii qodaalka ee laga hayay.
Waxaa shaqadii Phase Ika hadhay in la dhiso guryihii
la dhigi lahaa qalabka, kaydkii biyaha, iyo ceelkiioo la irmaaneeyo lana
bilaabo in biyaha la isticmaalo. Hawshaa hadhay ee aan sootilmaamnay waxa
lagu talo jiraa Eebe hadii uu idmo in la qabto wakhtiga fooda inagusoo
haya.
Hadii eebe laga helo waxaa phase II qorshaysan in biyaha
la gaadhsiiyo
degmada Buuhodle oo u jirta rugta ceelka 3.8Km loona sameeyo qaabkii loo
heli lahaa
biyo meelkasta oo magaalada ah jooga.. Qaabka shaqada loo
qabtay waxa ay ahayd
qaab afar geesood oo ay wada qabteen Hayada Samafalka ee NPA. Shirkada
Dayax,
Shirkada Qandaraasyada ee Togsol, iyo Dadweynaha Reer Buuhodle .
Doorka NPA ee
Helista BiyahaBuuhodle.
Hayada Samafalka ee NPA oo ah hayada samafaleed ee kaliya ee ilaa intii
dawlada
soomaaliyeed dhacday degenayd Goboladan SSC. Ahaydna ta kaliya ee waxtar
aan la
koobi karaynin gaadhsiiyay Umada iyo deegaan ku dhaqan goboladan SSC.
Iyadoo wax ka
qabatay Dhinaca Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada I.W.M
Waxa ay bilowday 1999
inay ka sahamiso buhodle sidii looga heli lahaa biyo (Geophysical
investigation)
halka ay ka qoday sanadkii 2001-da ceel qodmay 324.4m (ceelkaas oo
technically u
fail garoobay). NPA hadana waxay mar labad ku celisay baadhis biyo
raadineed
(Geophysical investigation), iyadoo adeegsanaysa cid kale oo aan ahayn
kuwii hore u
baadhay wayna samaysay. Hay’ada NPA iyadoo isu diyaarisay in
shaqadii dib la isagu
dayo.Ka hor intii aan ceelka la bilaabin waxaa wada hadal dhex maray
(discussion)
(Hay’ada Samafalka ee NPA, Shirkada DAYAX, iyo Odayaasha Buuhodle) waxaa
la isla
qaatay:
In ay horumar tahay in sida laga hirgaliyay meelo badan oo
wadanka ah sida Bosaso
(GUMCO), Borama iyo meelo kaleba. Biyihii loo maamulo qaab private ah si
loo helo
mashruucii oo sii jira (Project Sustainability)
in dib loo bilaabo raadintii biyaha dheer ee Buhodle
Halka ay NPA qodista ceelka biyaha ee Buuhoodle Farsamo iyo dhaqaalaba
(Logistically
iyo financially -ba) ay dhamaystirto maashruucan qabyteeda.
Dayax-na ceelka biyaha ee Buuhoodle Farsamo iyo dhaqaalaba (Technically
iyo
financially -ba) ay dhamaystirto maashruucan qabyteeda.
Qaabka loo wada shaqeynayaana uu noqdo qaab afar geesood ah geesood ah
(partnership) ah Dayax oo doorkeeda buuxisa, NPA oo iyana hawsheeda qabata,
iyo degaanka oo qaybta laga rabo laga helo.
Togsol oo technically u dhamaystirta hawsha loo
diray Doorka
Togsol Contractors Togsol oo ah Shirkad wadani ah oo qandaraasle ah waxay
qaadatay fulinta mashruuca ceelka Buuhoodle farsamo ahaan (Technically)
shirkaddan oo uu Guddoomiye ka yahay Xirsi Cabdi Jaamac oo in badan dadaal
badan
ku bixiyay ka midha dhalinta ceelkan, alle khyr haka siiyee.
Doorka Shirkada Dayax.
Shirkada Dayax oo ah shirkad ganacsi ah ayaa waxaa la aasaasay badhtamihii
sanadkii
labada Kun iyo labadii (2002). Ujeedada loo aasaasay shirkadu waxay tahay
inay ka
ganacsato khayraadka dabiiciga dalkeena ee kala duwan. Waxay shirkadu
shaqadeeda ka
bilaawday inay maal galis ku samayso qalbka casriga ah ee ceelasha biyaha
qoda si ay
u horumarisu qaab nololeedka degaankeena SSC. Dayax waxay hawlgalkii ugu
horeeyey ka
bilawday ceelka Buuhodle iyadoo wada shaqayn la yeelatay hay’ada NPA,
halka ay
suurogalisay inay ugu horeynba keento qalab awood u leh hirgalinta qodista
ceelkan.
Waxay kale oo Shirkada Dayax u balanqaaday degaanka, Hayada NPA iyo cidii
kale ee ay
khusayso in aanay hawsheedu ku koobnaan doonin intan oo kaliya ee ay hanan
doonto
sidii ay u dhamaystiri lahayd, Qaybta labaad (phase II) oo ah balaadhinta
Biyaha oo
la gaadhsiinayo gudaha iyo nawaaxiga magaalad Buuhoodle hadii aale idmo.
Subeyr Cismaan Idiris
Qaran-radio L/caanood
contact:
subeyr1425@hotmail.com
|