

| Cagtii Fariisan weydaa, Mar bay Ceeb lakulantaa!!! Maanta Mohamed Qanyare Afrax, Waa Fakad, Hub iyo Ciidan wuxuu lahaana waa lala wareegay. |
|
June 5th, 2006 War Qanyarow Cagta Dhig, war Dowlada Taageer, war dhiig daata ha sababin, Waxaas oo abhin ah, waxaa in badan lagulahaa Mr. Qanyare. Laakiin se waa ka dhego adeygay. wuxuu Qanyare door biday inuu maalin walba dagaal iyo colaad ka huriyo dadka walaalaha ah ee Reer Muqdishu, inuu qaarkood magacyo u bixiyo. diinta iyo dawladii ay soo dhisteen inuu la dagaalamo. aakhirkii wuxuu 15 sano marba shaati gashado, wuxuu Mr. Qanyare, bilaabay inuu Lacag ku qaato leynta iyo barakicinta dad deegaankood degan oo aan lagaraneyn waxay ku dhinteen iyo waxa ay galabsadeen. Qanyare waxaa uu sababay inay naftooda waayaan dad gaaraya 400 oo ruux, wuxuu kalloo masuul ka yahay Naafadii iyo dhaawacii soo gaaray ilaa 1000 Ruux. Nasiib Alle ka dib, Maanta Qanyare waa Fakad, waana lalayahay meel uu JAAN iyo cirib galay, Si yar oo aad u fudud baa loo qabsaday hubkiisii, degmadiisii, Gurigiisii, hantidiisii, waxaana la wareegay shacab, culumo iyo dad kalle!!! Waxaa maanta oo ay taariikhdu tayay June 5th 2006, dhamaatay awoodii iyo hogaankii dagaal ooganimo ee Mr. Qanyare. Wuxuu noqday Bac daadi qaaday. Mr. Qanyare wuxuu aakhirkii ku biiray taariikhda Mugdiga ah ee aan wax wanaagsan laga qorin. Saaxiibadiis, MR. Muuse Suudi, Cumar finnish, iyo Qeybdiid waxaad moodaa in weli ay lugaha naftii ay kaga jirto, laakiin aragnee inta ay ku sii jiitanto. Bootaan ciise (xaaraan ku naax!!!)isaga gelinkii hore baa daadku qaatay, oo waa tii firirkiisa laga helay magaaladii lagu kari waayey idinkoo caafimaad qaba kaalaya "Baydhabo". Dhinaca kalle, Maxkamadaha nimanka sheegta isma cadeyn. Run iyo Daacadi ka fog, Inta uu Mr. INDHo Cadde, uu ka dhex talinayo oo aynu wada ogsoonahay Xoolaha agoonta iyo masaakiinta ku heysta shabeelooyinka. Mr. hassan daahirn kaba sii daran. Maxkamad daacada oo la aamini karo weli iima muuqato. Mohamed cadaawe, Bakaaraha, Muqdishu. Soomaliya. Qaran radio
|