Qaran Radio

  • Home
  • News in English
  • Articles-Maqaallo
  • Arimaha Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Video
  • Wareysi
  • TEST
_
Warsaxaafadeed

Our Ref 13/PR/CO/12

 

Wasaarada Warfaafinta oo u dabaaldegtay Maalinta warbaahinta Soomaaliya

(Muqdisho: 21-janaayo-2012) Maanta waxay warfaafinta Soomaaliyeed u dabaaldagasaa “Maalinta warbaahinta Soomaaliyeed” iyadoo ku soo aadeysa xilli aad u adag oo ay naga saarantahay waajib dhamaanteen. gaar ahaan Warbaahinta iyo wariyayaashaba sidii dalkeena loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni, loogana xureyn lahaa argagixisadda dhibaatada badan gaarsiiyay.

Munaasabadaan muhimka ah, Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta, Boostada & isgaarsiinta ahna sii hayaha xilka wasiirka warfaafinta, Mudane C/laahi Bille Nuur waxaa uu hambalyo u diray dhamaan warfidiyeenka Soomaaliyeed iyo shaqaalaha warfaafinta, wasiirka ayaana yiri “Waxaa farxad ii ah inaan idiinkugu hanbalyeeyo maanta waxaanan idiin rajeyn idinka iyo qoysaskiinaba nabad iyo horumar”

Wasiirka ayaa intaa ku daray “Xukuumada Soomaaliya waxaa ay uga mahad celinaysaa warfaafinta soomaaliyeed iyo warfidiyeenka dowrkii ay ka qaateen nabadda, iyagoo shacabka soomaaliyeed u soo gudbinayay warar la hubo kuwaas oo qaarna farxad xajmbaarsanaayeen qaarna murugo”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Anigoo ka faa’ideysanaya fursaddan waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa dhamaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen wariyeyaashii ku waayay naftooda muddadii ay soomaaliya ku jirtay dhibaatada iyo dagaalka, iyagoo dadaal ugu jiray sidii ay shacabkeena u gaarsiin lahaayeen warar xaqiiqa ah oo aan dhana u janjeerin”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Wasaaradda Warfaafintu waxa ay dadaal badan u geli doontaa sanadkaan sidii loo sii kobcin lahaa kartida warfaafinta soomaaliya tan dowladda iyo midda gaarka loo leeyahayba iyadoo lagu taageerayo tababar iyo qalab intaba, waxaana sidoo kale la hormarin doonaa xeerarka saxaafadda kuwaas oo u suurta gelin doona in Warfaafintu u shaqeyso si xor ah, faragelinna ka maran”

Dhamaad


PRESS RELEASE

Our Ref 13/PR/CO/12

 

Today we are celebrating the Somali Media Day

(Mogadishu 21st January, 2012) The celebrations coincided at a very difficult time when all of us and in particular the media are need to help in bringing back peace and stability to the country. And to free it from the terrorists that inflicted so much damage to it, above all to the members of the Somali media.

The Acting Minister of Information, H. E. Abdullahi Bile Noor,  congradulated all the Somali journalists and other members of the Somali Media wherever they are and said " It is a great pleasure for me to congradulate you on this day and wish for you and your families peace and progress"

"The Somali government is thanking you for the role you have played in building the peace by providing the Somali people with accurate information about has been happening in our country, good or bad." the Minister added.

" I would also like to take this opportunity to send condolences to  the families  of all the journalists who have lost their lives during the prolonged conflict in our country in their efforts to tell the truth impartially." the Minister continued.

 Finally, the Minister concluded by saying, " We, at the Ministry of Information, would do our best to improve the quality and the capacity of the Somali Media, govermental or privately owned by providing them with technical and training assistance, as well as formulating a legal framework in which a free media can operate and do it's job without interfrence."

END

بيان صحفي

Our Ref 13/PR/CO/12

 

وزارة الإعلام تحتفل بيوم الإعلام الصومالي

(مقديشو: 21-يناير-2012) تحتفل اليوم وسائل الإعلام الصومالية  "بيوم الإعلام الصومالي" ،  وتزامنت هذه الاحتفالات في وقت صعب للغاية يتطلب جهد كل واحد منا وخاصة وسائل الإعلام والإعلاميين لإعادة السلام والاستقرار إلى البلاد وتحريرها من الارهابيين الذين ألحقوا الكثير من الضرر.

وبهذه المناسبة السعيدة هنأ وزير الإعلام بالإنابة معالي عبد الله بيلي نور جميع الصحفيين الصوماليين وغيرهم من العاملين في وسائل الإعلام الصومالية  وقال "انه لمن دواعي سروري أن أهنأ  لكم في هذا اليوم وأتمنى لكم ولعائلاتكم السلام والتقدم "

واضاف الوزير " توجه الحكومة الصومالية شكرها  لوسائل الإعلام والإعلاميين على الدور الذي لعبوه  في بناء السلام من خلال تزويد الشعب الصومالي بمعلومات دقيقة عن ما يحدث في بلادنا، سواء الأخبار السارة او المحزنة"

وقال الوزير "أود أيضا أن أغتنم هذه الفرصة لأرسل التعازي لأسر جميع الصحفيين الذين فقدوا حياتهم خلال النزاع الذي طال أمده في بلادنا  وهو يبذلون جهودهم الرامية إلى إيصال الحقيقة إلى شعبنا دون تحيز".

وأخيرا اختتم الوزير قائلا : "نحن في وزارة الإعلام، سوف نبذل قصارى جهدنا لتحسين نوعية وقدرة وسائل الإعلام الصومالية، حكومية كانت أو خاصة عن طريق تزويدها بالمساعدة التقنية والتدريب ، فضلا عن صياغة الإطار القانوني الذي يمكن وسائل الإعلام العمل بحرية وبدون تدحل"

النهاية